ร—
Xubnaha Golaha sare ee SONSAF ayaa maanta yeeshay kalfadhigoodii caadiga ahaa
Xubnaha Golaha sare ee SONSAF ayaa maanta yeeshay kalfadhigoodii caadiga ahaa.
Xubnaha guddidu waxa ay warbixin ka dhagaysteen agaasimaha guddida fulinta oo ka warbixiyay waxqabadkii dalladda ee saddex biloodkii u dambeeyay iyo qorshaha saddexda bilood ee soo socda.
Xubnaha golaha sare waxa ay sidoo si qoto-dheer uga doodeen xaaladda guud ee dalka iyo kaalinta ururada bulshada rayidka ah kaga aaddan.
Gaba-gabadii kulanka, Golaha sare ee SONSAF waxa uu soo saaray qodobbadan.
1. Goluhu waxa uu ku hambalyaynayaa Goleyaasha sharci-dejinta sidii xilkasnimada lahayd ee ay markale u ansixiyeen waxka-beddelka iyo kaabista xeerarka khuseeya doorashooyinka ee Xeer Lr. 90 iyo Xeer Lr. 14.
2. Xubnaha Golaha sare waxa ay ugu baaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaand in uu saxeexo, islamarkaana faafinta rasmiga ah kusoo saaro waxka-beddelka Xeerarka doorashooyinka, si dalku ugu jihaysto doorashooyin ku qabsooma wakhtigii loo muddeeyay.
3. Goluhu waxa uu warwar ka muujinayaa muranka siyaasadeed ee ka oogan maamulka hawada Soomaalilaand iyo Somalia. Si looga baaqsado cawaaqib xumo arrintani keento, Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda federaalka Somalia in ay muujiso xilkasnimo, ka maagto siyaasadaynta duulimaadyada rayidka ah islamarkaana fuliso heshiisyadii kala dambeeyay ee labada dal ka gaadheen maamulka hawada.
4. Goluhu waxa uu walaac ka muujinaya kor u kaca qiimaha shiidaalka, oo maalmihii u dambeeyay xawaare aad u sareeya kor ugu kacay. Si looga hortago kor u kac ku yimaadda maciishadda iyo adeegyada kala duwan ee dadwaynaha, Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay qaado talaabooyin lagu xakamaynayo kor u kaca qiimaha shiidaalka, waxa uu sidoo kale Goluhu ugu baaqayaa ganacsatada in aanay macaash ka raadinin culays la saaro muwaadiniinta.

Blog Categories

Related Posts