Dalladda Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa soo abaabushay kulan soconaya laba cisho oo lagu lafa gurayo warbixin ku saabsan sida qaybaha bulshada ee la garbiyaa ay qayb uga noqon lahaayeen guddiyada maamumulka sare iyo shaqaalaha urrurada bulshada rayidka ah ee Somaliland. Kulankan waxaa ka soo qayb-galay 20 xubnood oo ka kala socda 6 ka mid ah Dalladaha ay ku bahoobeen urrurada bulshada ee Somaliland.