ร—
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ururadda Bulshada raydka ah iyo Wasaarad Arimaha Gudaha.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ururadda Bulshada raydka ah iyo Wasaarad Arimaha Gudaha, kulankaas oo ku saabasaan sidii wadashaqayn buuxda u wada yeelan lahyeen, Wasaaarada Arimaha Gudaha iyo Ururradda Bulshada. Intii kulanku socday waxa laga wadda hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynata dhinaca horumarinta bulshadda, Aminga, Doorashoyinka iyo dhinaca diimoqoraadiyadda. Urradda bulshadda raydka ah ayaa si kooban ugu sharaxay Wasiirka Arimaha Gudaha adeega bulsho ee ay bixiyan, isla marahaantaana ay Urradda Maxaliga ahi u fidiyaan bulshadda Somaliland.
Wasiirka Wassaardda Arimaha Gudaha ayaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta ka socday Urradda Maxaliga ah, sidookalena ku amaanay shaqadda fiican ee ay u hayaan bulshadda. Sidoo kalena waxa uu Wasiirku xaqaiijiayay in uu dib u eegis ku samayn doonan habka ugu fiican ee loo wada shaqayn lahaa iyo in kulamo danbe la qabto oo ay qayb ka yihiin Wasaaaradaha ay wada shaqaynta dhaw la leeyihiin ururadda maxaliga, sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Qorshaynta, Caafimaadka, Ciyaaraha Waxbarashada iyo Wasaaradda Qoyska iyo Arimaha Bulshadda.
Ugu danbayn Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday Jawi is afgarad iyo sidii loo sii ambaqaadilahaa in la joogteeyo kulamadda noocan oo kale ah.

Blog Categories

Related Posts