ร—
Tababarkan ayaa maanta SONSAF u qabatay 150 goobjooge oo ka hawlgali doona gobolka Maroodi jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa aan maanta daahfuray tababarka goobjoogayaasha maxaliga ah ee kormeeri doona doorashooyinka isku lammaan ee madaxtooyada iyo Xisbiyada/Ururada siyaasadda Somaliland oo dalka ka qabsoomi doona 13 November 2024.
Tababarkan ayaa maanta SONSAF u qabatay 150 goobjooge oo ka hawlgali doona gobolka Maroodi jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.
SONSAF waxa ay sidoo kale maalmaha soo socda ay tababaro u qabandoontaa goobjoogayaal ka hawlgeli doonaa gobolada kale ee Somaliland.
Goobjoogayaasha maxaliga ahi waxa ay kasoo warbixin doonaan qaabka ay u qabsoonto doorashadu maalinta codbixinta, iyada oo xogta ay soo gudbiyaan ay SONSAF ka diyaarin doonto warbixin faahfaahsan oo ka warbixinaysa qaabka ay u dhacday doorashadu.
Dalladda ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF) waxa ay tan iyo 2008 goobjoogayaal maxali ah u diraysay in ay kormeeraan doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, islamarkaana waxa ay SONSAF doorasha kasta ka soo saartaa warbixin tifaftiran oo ku saabsan hannaanka ay doorashooyinku u qabsoomaan iyo talo-soojeedimo ku lammaan oo looga gonleeyahay in lagu wanaajiyo nidaamka doorashooyinka Somaliland.




Blog Categories

Related Posts