×
Kulankii 2aad ee Guddida Urrurada Bulshada Rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bulshooyinka la garbiyo.

Dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa soo agaasintay kulankii labaad ee Guddida Urrurada Bulshada Rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bulshooyinka la garbiyo. Guddida ayaa falanqaysay hawlaha ugu muhuumsan ee ay qabanayaan sadexda bilood ee soo socda si kor loogu qaado xuquuqda dadka naafada ah, dhalinyarada, haweenka iyo bulshooyi ka la hayb-sooco.