×
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, waxa ay maanta kulan wada-tashi iyo xog-iswaraysi ah la yeesheen urruradda siyaasada ee Somaliland.
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, waxa ay maanta kulan wada-tashi iyo xog-iswaraysi ah la yeesheen urruradda siyaasada ee Somaliland. Intii uu kulanku socday labada dhinac waxa ay si qoto-dheer uga wada-hadleen doorashooyinka isku lammaan ee inagu soo foodaleh dhammaadka sannadkan, caqabadaha ku gedaaman doorashoyinkaas iyo sidii looga wada hadli lahaa loona xalin lahaa caqabadahaas.

Dalladda 𝗦𝗢𝗡𝗦𝗔𝗙, waxa ay uga mahadcelinaysaa Urrurada Siyaasada ee ka kasoo qayb-galay qabsoomidda shirkaas. Urrurada Bulshadu waxa ay sii wadi doonaan kulamada ay la yeelan doonaan daneeyayasha kale ee arrimaha doorashooyinka maalmaha soo socda.

Blog Categories

Related Posts