Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF, Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, iyo NGO Consortium ayaa si wada jira u soo qaban-qaabiyay kulan lagu daahfurayo isla markaana lagaga wada-tashanayo dib u eegista Xeerka Ururrada Samafalka aan Dawliga ahayn ee Somaliland.
Kulankaas oo ay kasoo qaybgaleen Ururrada Bulshada Rayidka, Ururrada Caalamiga Ah, Hayโadaha UNta, iyo saraakiil ka socda Hayโadaha kala duwan ee dawlada waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ahmed Mohamed Derie.