ร—
Kalfadhigii ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ee Golaha sare ee ๐—ฆ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—”๐—™.
Waxa maanta qabsoomay kalfadhigii ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑee Golaha sare ee ๐—ฆ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—”๐—™.
Xubnaha Golaha sare ee ๐—ฆ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—”๐—™ waxa ay si qotodheer u falanqeeyeen waxyaabihii dalladda u qabsoomay saddex biloodkii u dambeeyay iyo qorshe hawleedka saddex biloodka inagu soo aadan.

Waxa ay sidoo kale xubnaha golaha sare ka doodeen sidii Dalladda loogu soo dari lahaa xubno cusub si loo sii xoojiyo matalaadda dalladda ee jilayaasha aan dawliga ahayn.

Xubnaha Golaha sare iyaga oo maanka ku haya xoojinta dimuqraadiyadda iyo isku xukunka sharciga ee Dalladda dhexdeeda, waxa ay si qotodheer u naaqisheen shirweynaha dalladda ee ku beegan dhammaadka sannadkan iyada oo qorshuhu yahay in ay ergooyinku soo doortaan hogaanka dalladda.
SONSAF waa madal qaangaadh ah oo muddo dheer soo jirtay, islamarkaana ay hogaanka usoo qabteen Rag iyo Haween xukunka iskugu wareejiyay si ilbaxnimo leh, waxaana ka go'an Golaha sare ee Dalladda in la sii joogteeyo guulaha ay Dalladdu gaadhay.

Blog Categories

Related Posts