Ururka SOLJA oo tababar ku saabsan ka wartabinta doorashooyinka ku qabtay magaalada Burco

Tababarkan oo ay iska kaashadeen ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF islamarkaana ay maalagaliyeen Ururka Midowga Yurub ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii ay wariyayaashu iskaga ilaalin lahayeen soo warinta waxyaabaha xanafta ah marka laga soo warramayo doorashooyinka iyo ololaha.
Agaasimaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanno SOLJA oo iyagu tababarkan fulinaya oo tababarkan furay ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay wakhtiga lagama maarmaan u tahay in wariyayaashu ilaaliyaan carrabkooda iyo qalinkooda xilligan xasaasiga ah ee lagu gudo jiro doorashooyinka, isla markaan ay ka dhawrsadaan wararka aan la hubin ee kutidhi kuteenka ah ee khal khal ku keeni kara nabad galyada.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo madasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay ururka SOLJA iyo dalladda SONSAF sida ay wakhtigan ku munaasibka ah ugu soo beegeen tababarkan oo aad loogu baahnaa xilligan doorashooyinka lagu jiro isla markaana lagu wacyigaliyo wariyayaasha inay qayb ka qaataan nabadgalyada. Dhinaca kale waxa isna halkaa ka hadlay xoghayaha dawladda hoose ee degmada Burco Cismaan Maxamed Sheekh, isaga oo taabtay in kulan aqooneedkani kaalin ka ciyaari doono habsami u socodka doorashooyinka innagu soo fool leh.

a ay