Wararka

WAR MURTIYEED:
                                                                                                          
Kulan maanta ay iskugu yimaadeen bulshada aan dawliga ahayn ee Somaliland waxay kaga tashadeen xaalada siyaasadeed ee maata dalku marayo iyadoo sidaynu wada ogsoonahay uu cirka isku shareeray khilaafka Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta SONSAF ee magaalada Hargeysa waxa lagu falanqeeyay xaaladaha taagan ee khilaafka golaha wakiilada, doorashooyinka iyo saamaynta ay inagu yeelan karaan waxyaalaha ka dhacaya mandiqadan aynu ku nool nahay ee gobolka Geeska Afrika.

Hadaba waxa kulankaas laga soo saaray qodobo muhiim ah oo bulshada rayadka ahi ugu baaqoyso dhamaan danayeysha siyaasada, iyadoo marwalba ay tahay in aynu ka feejignaano gacan shisheeye oo ka talisa arrimaha dhexdeena sidii dhacday 2009;

Fadlan halkan ka akhri warsaxaafadeedkii oo dhamaystiran


Warsaxaafadeed

Arbaco 12 Luuliyo, 2017

Madasha Ururada Bulshada Rayidka ee Arrimaha Doorashooyinka oo ah madal ay isugu 86 urur oo ka jira dhamaan lixda gobol ee Somaliland ayaa maalmahan shirar kala duwan ku qabtay gobolada Somaliland, shirarkaas oo loogu kuur galiyay habsami u socodka qaadasha kaadhka codbixinta. Hadaba shirarkaas waxa ka soo baxay warsaxaafadeed ka kooban laba bog oo Madashu ay caambaarayn dusha uga tuureen labada xisbi ee KULMIYE iyo WADANI oo jabiyay xeer habdhaqanka xisbiyada siyaasada ee mudada kaadhqaybinta codbixiyahay.

Sii aqri

 

Baaqqa Ururada Bulshada Rayidka ah ee Caddaaladda, Xuquuqda Aadamaha iyo Doorashooyinka

Axad 26 Febraayo, 2017

Kulan ay maanta oo bishu tahay 23ka February 2017 isugu yimaadeen Ururada BulshadaRayidka ah oo ka dhacay Xarunta SONSAF ayaa waxa lagaga hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin Caddaaladda, Saxaafadda, Xuquuqda aadamaha, Abaaraha, Doorashooyinka, aasaasidaGuddida taagerida Caddaaladda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Ururada Bulshada Rayidkaah.Kulankan oo si gaar ah loogu gorfeeyay dar-dar gelinta arimaha caddaalada gaar ahaantaageeridda dib u habaynta iyo horumarinta Ciidanka Booliska iyadoo Ururada BulshadaRayidka ahi u arkaan Ciidanka Boolisku inuu yahay iridda laga galo caddaaladda iyo garsoorka.

Sii aqri

 

Shirweynihii Dib u Eegidda Nidaamka Doorasho ee Somaliland WarMurtiyeedkii Ka Soo Baxay

Talaado 13 Diseembar, 2016

Shir lagaga arinsanaayey dib e eegidda nidaamka doorasho ee Somaliland ayaa ka dhacey Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargeysa bishan aynu ku jirno ee Diisember 7-8-da 2016-ka. Shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland haddii ay tahay, Xisbiyada qaranka, dawladda, golayaasha Baarlamaanka, guddida doorashooyinka, deeqbixiyaasha, ururada bulshada rayidka ah, jaamacaddaha Somaliland.

Sii aqri

 

War-saxaafadeed Wada jir ah oo ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada

Axad 30 Oktoobar, 2016

Dallada Jilayaasha aan dawliga aheyn ee (SONSAF) iyo Dallada Ururuda bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub (SSE), waxa ay yeesheen kulamo socdey September ilaa badhtamihii bishan Octoober ee Sannadkan. Kulannadaasi oo si weyn lagu gorfeynaayey arrimaha doorashooyinka sida wakhtiga inoo hadhay looga faa’iideyn lahaa, doorasho xor iyo xalaal ahina ay u dhici lahayd wakhtiga loo qoondeeyey 28 March 2017-ka.

Sii aqri

 

 

© 2011 Somaliland Non-State Actors Forum. All rights reserved.

SONSAF | Shuruudaha isticmaalka | Siyaasada kali ahaanshaha | Qariirada goobta | Nala soo xidhiid

Status

Loading.Please wait...

SONSAF | Wararka

Copyright © 2011 - 2017 SONSAF. All Rights Reserved