Wararka

WAR MURTIYEED:
                                                                                                          
Kulan maanta ay iskugu yimaadeen bulshada aan dawliga ahayn ee Somaliland waxay kaga tashadeen xaalada siyaasadeed ee maata dalku marayo iyadoo sidaynu wada ogsoonahay uu cirka isku shareeray khilaafka Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta SONSAF ee magaalada Hargeysa waxa lagu falanqeeyay xaaladaha taagan ee khilaafka golaha wakiilada, doorashooyinka iyo saamaynta ay inagu yeelan karaan waxyaalaha ka dhacaya mandiqadan aynu ku nool nahay ee gobolka Geeska Afrika.

Hadaba waxa kulankaas laga soo saaray qodobo muhiim ah oo bulshada rayadka ahi ugu baaqoyso dhamaan danayeysha siyaasada, iyadoo marwalba ay tahay in aynu ka feejignaano gacan shisheeye oo ka talisa arrimaha dhexdeena sidii dhacday 2009;

Fadlan halkan ka akhri warsaxaafadeedkii oo dhamaystiran


Baaqqa Ururada Bulshada Rayidka ah ee Caddaaladda, Xuquuqda Aadamaha iyo Doorashooyinka

Waxaa la dhajiyay: Sabti 25 Febraayo, 2017

Kulan ay maanta oo bishu tahay 23ka February 2017 isugu yimaadeen Ururada Bulshada
Rayidka ah oo ka dhacay Xarunta SONSAF ayaa waxa lagaga hadlay arrimo door ah oo ay ka
mid yihiin Caddaaladda, Saxaafadda, Xuquuqda aadamaha, Abaaraha, Doorashooyinka, aasaasida
Guddida taagerida Caddaaladda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Ururada Bulshada Rayidka
ah.
Kulankan oo si gaar ah loogu gorfeeyay dar-dar gelinta arimaha caddaalada gaar ahaan
taageeridda dib u habaynta iyo horumarinta Ciidanka Booliska iyadoo Ururada Bulshada
Rayidka ahi u arkaan Ciidanka Boolisku inuu yahay iridda laga galo caddaaladda iyo garsoorka.

 Baaqqa Ururada Bulshada Rayidka ah ee Caddaaladda, Xuquuqda Aadamaha iyo Doorashooyinka 

 

 

 

© 2011 Somaliland Non-State Actors Forum. All rights reserved.

SONSAF | Shuruudaha isticmaalka | Siyaasada kali ahaanshaha | Qariirada goobta | Nala soo xidhiid

Status

Loading.Please wait...

SONSAF | Wararka

Copyright © 2011 - 2017 SONSAF. All Rights Reserved