Qaab dhismeedka ururka

SONSAF waxay leedahay qaab-dhismeed rasmi ah oo saxan kaasoo Jilayaasha aan dowliga ahayn ay si sidii hore ka wannaagsan ugala qeyb qaadan karaan dadka go’aamada soo saara ee hay’adaha dowliga ah iyo beesha caalamka sidii la isaga kaashan lahaa dhimidda faqriga, dhisidda dimoqraadiyada iyo nabada.


Organisational structure

Golaha guud

Golaha guud wuxuu ka kooban yahay xubnaha shabakad kasta oo ka tirasn Jilayaasha aan dowliga ahayn ee marka magaceeda la soo gaabsho loo yaqaanno NSA. Golaha Guud Wuxuu qaataa dhammaan go’aanada la xidhiidha siyaasada SONSAF wuxuuna golahani la tacaamulaa arimaha adag. Wuxuu sidoo kale soo doortaa Guddiga Agaasinka.

Guddiga Agaasinka

Guddiga Agaasinku waa laanta sharci dajinta ee SONSAF. Xubnaha guddigan waxaa soo doorta xubnaha Golaha guud. Guddiga Agaasinku wuxuu sameeyaa kormeerka maaliyadeed iyo waxqabad ee dalada. Wuxuu sidoo kale go’aamiyaa hadafka iyo qorshaha SONSAF isla markaana wuxuu sidoo kale hubiyaa qorshaha fagaaraha oo wax ku ool ah.

Golaha Guddiyada

Guddiga Guddiyada waxaa loo kala qeybiyaa saddex guddi-hoosaadyo kuwaasoo ka masuul ah:

  • Maaliyada iyo Xisaab-xidhka
  • Maamulka iyo Isku-xidhka.
  • U doodida, dakhli uruurinta iyo qorsheynta.

Xog-haynta

Xog-hayntu waa laanta fulinta ee SONSAF. Waxay ka kooban tahay shaqaalaha maareynta oo ayagu masuul ka ah howlaha maalinlaha ah ee SONSAF. Waxaa madax u ah agaasimaha fulinta kaasoo ay soo doortaan xubnaha Guddiga Guddiyada.

© 2011 Somaliland Non-State Actors Forum. All rights reserved.

SONSAF | Shuruudaha isticmaalka | Siyaasada kali ahaanshaha | Qariirada goobta | Nala soo xidhiid

Status

Loading.Please wait...

SONSAF | Qaab dhismeedka ururka

Copyright © 2011 - 2017 SONSAF. All Rights Reserved