Annaga


SONSAF consultationSONSAF waxaa laga soo gaabshay Fagaaraha Ka qeybqaateyaasha Aan Dowliga Ahayn ee Somaliland.


SONSAF waxa looga dan leeyahay waa sidii loo xoojin lahaa kaqeybqaateyaasha aan dowliga ahayn ee marka magacooda la soo gaabsho loo yaqaano (NSAs) kuwaasoo ka jira gudaha Somaliland si markaasi loo hanto siyaasada wada hadalka iyo go,aan qaadashada caalamiga ah si dabadeed loogu helo dadka Somaliland mustaqbal bad qaba oo horumar ku dheehanyahay. Waxaanu ku hadlaynaa magaca dadka Soomaaliland marka laga hadlaayo arimaha kusaabsan dhimitaanka faqriga, horumarka, maamul wanaaga, dimoqraadiyada, nabada iyo amniga

Hadafka

SONSAF waxaa la asaasay sanadkii 2008 si loo hubiyo in macaahiida dowladaha iyo  macaahiida kale ee caalamiga ah ee masuulka ka ah siyaasada ee kusugan Soomaaliland laga maqlo codadka bulshada rayidka  ah ee Soomaaliland. Waxaanu dhisnaa guddi waxaana qaban qaabinaa fagaare loogu tala galay ka qeybqaateyaasha aan dowliga ahayn  (NSAs) si loogu soo gudbiyo aaraada iyo waxyaabaha dadka Soomaaliland ay danaynayaan.

Ujeedooyinka

  • In la taageero horumarka iyo ilaalinta nabadda.
  • In gacan laga geysto dhimida faqriga.
  • In sare loo qaado xuquuqul insaanka iyo dimoqraadiyada.
  • In la badbaadsho deegaanka isla markaana sare loo qaado isticmaalka masuuliyada ku dheehan tahay ee kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland kaasoo noqonaya mid waara.

(ka tixraac liiska ujeedooyinka oo buuxa dastuurka gudihiisa)

Dadka Shirkada aanu nahay

(ama xidhiidhka aanu la leenahay)

Waxaan taageero farsamo ka helnaa:

Saferworld

Taageero lacageedna waxaan ka helnaa: 

Guddiga Midowga Yurub

DFID

Himilo iyo Hadaf

Himilo
SONSAF waxay hiigsanaysaa horumarinta iskaashiga, ganacsiga iyo siyaasada wada hadalka ee gudaha iyo dibada.

Hadaf
Hadafka SONSAF waa fududeynta sidii NSAs ay uga qeyb qaadan lahayd wada tashiga ayadoo arintaasi loo sii marayo awoodaha xubnaha NSA ay awooda ugu siinayaaan helitaanka fursad ay uga qeybqaataan dhammaan siyaasadaha wada hadalka eek u wajahan horumar waara oo ka dhaca gudaha Somaliland.

© 2011 Somaliland Non-State Actors Forum. All rights reserved.

SONSAF | Shuruudaha isticmaalka | Siyaasada kali ahaanshaha | Qariirada goobta | Nala soo xidhiid

Status

Loading.Please wait...

SONSAF | Annaga

Copyright © 2011 - 2017 SONSAF. All Rights Reserved