Guddida korjoogtada doorashada ee hoos timaadda dalladda SONSAF ayaa si gooni gooni ah ula kulantay guddiyada soo xulista iyo kala saarista musharrixiinta

Guddida korjoogtada doorashada ee hoos timaadda dalladda SONSAF ayaa si gooni gooni ah ula kulantay guddiyada soo xulista iyo kala saarista musharrixiinta ee saddexda xisbi qaran ee UCID , WADDANI IYO KULMIYE.
Waxaanay guddiyada saddexda xisbi ka warrameen tallaabooyinkii kala duwanaa ee ay qaadayeen si ay u soo xulaan musharrixiinta, caqabadihii ka hor yimid iyo talo soojeedinaha ay ku talin lahaayeen.
Kulammadaa kala duwan ee dalladda SONSAF soo agasintayna xogta ka soo baxda waxa laga diyaarin doonaa warbixin dhammaystiran oo loo soo bandhigo bulshada, xisbiyada qaranka iyo guddida doorashooyinka qaranka, haddii Alle yidhaahdo