Guddida Korjoogtada Doorashada Ee Bulshada Rayidka Ah Oo Guddoomiye Cusub Dooratay.

Guddida korjoogtada doorashada bulshada rayidka ah ee hoos timaadda dalladda SONSAF oo maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa guddoomiye cusub u doortay mudane KAMAAL XASAN ISAAQ oo ka socday ururka HAVOYOCO.
Guddoomiyihii hore ee guddida korjoogtada doorashada bulshada rayidka ah mudane Mustafe Maxamuud Abdillaahi ( AL khaliili) ayaa isagu iska casilay xilkaas kaddib markii ay la soo darseen arrimo shakhsi ahi.

Guddoomiyaha cusub Mr. Kamaal oo cod gacan taag ah lagu doortay, ayaa xilkan guddida hayn doona muddo shab bilood ah oo ku eg laba bilood kaddib doorashada.

Sida aynu la wada soconno waxa dalkan Somaliland ka dhici doona markii u horraysay doorashooyin isku sidkan oo ah doorashada Baarlamaanka iyo tan golaasha deegaanka oo dhici doona 31ka bisha shanaad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2021. Waxaanay guddidan oo ka kooban 19 xubnood ka shaqayn doonaan korjoogtaynta doorashada iyo kormeerka goobjoogayaasha maxalliga ah ee doorashada.

Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF ayaa xilliga doorashada dalka oo dhan u kala dirta ku dhawaad 700 oo goob joogyaal maxalli ah kuwaasoo ka madax bannaan saddexda xisbi qaran, Komiishanka doorashooyinka iyo dawladdaba.