Dalladda SONSAF Oo Ku Dhawaaqday Guddida Korjoogtada Doorashada Ee Bulshada Rayidka Ah.

Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF ayaa ku shaacisay xaflad lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa guddida korjoogtada doorashada ee bulshada rayidka ah.

Anwar Cabdiraxmaan Warsame , guddoomiyaha dallada SONSAF oo hadal ka jeediyay madasha ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada loo aasaasay guddidan kor joogtada doorashada waxaanu sheegay in sababta loo aasaasay tahay in ay qayb ka qaataan soo xulista goobjoogayaasha doorashada ee maxalliga ah kuwaasoo tiradoodu gaadhayso ku dhawaad 700(toddoba boqol) oo qof oo ka kala shaqayn doona gobollada dalka oo dhan. Waxaanu guddoomiye Anwar kula dardaarmay guddidan inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimada una sinnaadaan saddexda xisbi qaran.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Mudane C/rashiid Maxamuud Cali(Riyo raac) oo hadal dardaaran iyo waano isugu jira ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay guddidani noqoto mid dhexdhexaad ah oo aan dhinacna u xaglin.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal ka jeediyay guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Waddani, mudane Cismaan Afgaab Nuur, waxaanu ku dul maray sida haddii ay Waddani yihiin wakhtigii hore aanay ugu kalsoonayn SONSAF, balse hadda ay la shaqaynayaan doorashada soo socota haddii Alle yidhaahdo.

Xoghayaha abaabulka iyo wacyigalinta ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Maxamed Xuseen Ciise ayaa isna carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay la shaaqeeyaan guddida ay soo xuleen dalladda SONSAF ee maamuli doonta goobjoogayaasha maxalliga ah.

Axmed Faarax Cadarre oo ka tirsan golaha fulinta ee xisbiga Kulmiye ayaa si faahfaahsan uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen doorashooyinka Somaliland isaga oo sheegay in wakhtiga lagu guda jiro doorashada layska ilaaliyo arrimaha xanafta keenaya ee waxyeello u gaysan kara habsami u socodka doorashada

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka socday guddida korjoogtada doorasha bulshada rayidka ah oo ka kala socday gobollada dalka.