Dalladaha SONSAF Iyo NAGAAD Oo Kulan Aqoon Is Weydaarsi Ah U Qabtay Dumarka Musharrixiinta Ah.

Dalladaha SONSAF Iyo NAGAAD Oo Kulan Aqoon Is Weydaarsi Ah U Qabtay Dumarka Musharrixiinta Ah.

Dalladda ururrada bulshada rayidka ee Somaliland SONSAF iyo dalladda ururrada haweenka ee Nagaad ayaa iska kaashaday aqoon is weydaarsi ujeeddadiisu ahayd qiimaynta baahiyaha dumarka u tartamaya doorashooyinka golaha Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee Somaliland ka qabsoomi doonta 31ka bisha shanaad 2021.

Aqoon weydaarsigan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen xarunta SILC oo fadhigeedu yahay dalka Sweden oo ka shaqaysa kor arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraaddiyadda ayaa lagu lafo guray caqabadaha hor taagan dumarka u sharraxan doorashooyinka Somaliland  isbarkan ee dhacaya bisha shanaad dhammaadkeeda.

Dumarka ka soo qayb galay oo ay ku jireen qaar hore ugu tartamay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee sannadkii 2012 kuna guulaystay ayaa halkaa ku soo bandhigay caqabadaha hor taagan dumarka doorashada 2021,