Guddoomiya Dalladda SONSAF Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Saddex Xubnood Oo Xisbiyadu U Soo Magacaabeen Wada Shaqaynta Dalladda SONSAF

Guddoomiya Dalladda SONSAF Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Saddex Xubnood Oo Xisbiyadu U Soo Magacaabeen Wada Shaqaynta Dalladda SONSAF

Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland Mr. Anwar C/raxmaan Warsame ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay saddex xubnood oo ka kala socday saddexda xisbi Qaran, kuwaasoo xisbiyada u qaabilsanaan doona SONSAF.
C/raxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye, oo ah guddoomiyaha gobolka maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye, Cismaan Afgaab oo isna ah guddoomyaha golaha dhexe ee xisbiga waddani , iyo Maxamed Ciise oo ka socday xisbiga Ucid ayaa SONSAF kala shaqayn doona soo xulista muraaqibiinta bulshada rayidka ah ee SONSAF u kala diri doonta gobollada dalka iyo sidoo kale inay eegaan in SONSAF dhexdhexaad ka tahay arrimah saddexda xisbi Qaran. Kulnkaasi ayaa ku dhammaaday is af-garad wanaagsan.
Sawirro